You are on page 1of 2

Sadex Qiso oo Nabigu nnkh ka waramay.

Qisada Koowaad:-

Nin ka mid ah umadihii hore ayaa waxa uu marayey meel lama dagaan ah (saxare) markaasuu
daruuraha ka maqlay cod dhahaya;- Waxaad waraabisaa beerta Hebel. Ninkii wuu yaabay oo
waxa uu is waydiiyey codka aad maqashay ma dhabaa mise maaha. Ninkii oo yaaban ayaa
daruurtii dhaqaaqday markaasu isaguna u dhaqaaqay dhankii ay daruurtu u jihaysatay. Inyar
kadib waxay daruurtii bilowday onkod iyo hilaac waanay da'day. Roobkii ayaa ku ururuar meel
waadi ah kadibna biyihii waxay gaadheen meel beera markaasay beertii oo dhan waraabisay.
Ninkii oo yaaban ayaa la kulmay ninkii beerta lahaa waxaanu waydiiyey magaciisa waxaanu ku
yidhi waa Hebal; waa magicii uu daruurta ka maqlay. Ninkii waxa uu hubsaday in codka uu
maqlay ahaa malag, markaasuu waydiiyey waxa beerta kaligii loo waraabiyey. Ninkii beerta
lahaa ayaa ku yidhi maadaama aad i waydiisay waan kuu sheegi sababta beertayda loo
waraabiyey waxa uu yidhi :- Markaan beerta beero waxa kasoo baxa ayaan u qaybiyaa sadex
meelood, Hal meel waxa quuta aniga iyo ubadkayga, qaybta labaadna waan sadaqaysataa (dar
ilaahay ayaan u bixiyaa) qaybta sadexaadna beerta ayaan dib ugu celiyaa si ay mar labaad usoo
go'do.

Karaamadan ninkan ka dhacday ayaa ah inuu u bixiyo xoolihiisa dar ilaahay. Marka koobaad
qaybta uu siiyo reerkiisa waa sadaqo, qaybta labaadna dadka saboolka ah ayuu siiya, qaybta
sadexaadna waxa uu ku ilaaliyaa sadaqadiisa oo beerta ayuu dib ugu celiyaa. Waxay ka
dhigantahay inuu bixiyey dhamaan xoolihiisa oo dhan dar ilaahay, markaasuu Eebana ka
muujiyey mucjisadan.

Qisada Labaad:-

Waqti waqtiyada ka mid ah waxa jiray Nin wanaagsan oo diin leh markaasuu doonay inuu dhul
gato kadibna waxa uu utagay nin gadaya dhul markaasuu iibsaday dhulkii oo ka dhistay guri iyo
beer. Maalintii danbe isaga oo beertii qodaya ayuu sabaradii ku dhuftay sanduuq dhulka ku
aasnaa kadibna sanduuqii ayuu soo saaray waxaanu ka helay kansi dhan oo dahab ah. Ninkii
inta uu qaaday kansigii ayuu u geeyay ninkii beerta ka gaday oo ku yidhi kansigan ayaan ka
helay beertii aad iga gaday ee qaado adigaa iska leh dabadeedna ninkii beerta iibiyey ayaa yidhi:-
Waxaan kaa gaday beerta iyo wixii ku gudo jira ee kansigan adigaa helay oo iska leh. Labadii nin
way diideen inay qaataan kansigii kadibna waxay u tageen maxkamada ayagoo ku dacwoonaya
in midb midka kale leeyahay adigaa leh kansigan dahabka ah. Qaadigii maxkamada waxa uu ku
yidhi ninkii beerta gatay ma leedahay ubad, waxaanu yidhi waxaan leeyhay hal gabadh, ninkii
beerta iibiyeyna waxa uu yidhi waxaan leeyahay hal wiil kadibna qaadigii waxa uu ku yidhi ka
warama hadii aad isu guurisaan wiilka iyo gabadha oo aad ku bixisaan kansiga dahabka ah,
labadii ninba way isku waafaqeen aragtidii qaadiga oo waxay dahabkii ku bixiyeen arooskii
labadii.

Qisada Sadexaad:-

Nin ayaa doonay inuu daynsado lacag kadibna Nin ayuu u tagay uu ku yidhi i daymi Kun Diinaar,
Ninkii waxa uu ku yidhi waan ku dayminayaa ee waxaan u baahanahay markhaati, ninkii lacagta
daynsaday waxa uu ku yidhi Ilaahay ayaa markhaati inoo ah, hadana waxa uu ku yidhi waxaan u

www.gaaldiid.com
baahanay kafiil (cid bixisa lacagta hadii lagu waayo) ninkii waxa uu yidhi Ilaahay ayaa inoo
kafiila. Ninkii waxa la amaahiyey Kun diinaar waxayna ballameen xilli cayiman inuu usoo celiyo
lacagta. Labada nin waxay deganaayeen meel wabi u dhaxeeyo oo loo raaco doon ama maraakib.
Maalintii uu laballamay saaxibkii markii la gaadhay ayuu ninkii lacagta daymiyey yimi meeshii
ay ku ballameen, balse ninkii kale waxa uu waayey dooni uu soo raaco dabadeedna waxa uu soo
qaaday loox waanu qoray oo u sameeyey god kadibna ku riday kiish ay ku jirto kunkii diinaar
waxaanu raaciyey harag uu ku qoray; lacagtan waxay ka timid ninka hebel oo waxay ku socotaa
hebel -saaxiibkiisii lacagta amaahiyey- kadibna biyihii ayuu ku tuuray Eebana wuu talo saartay.
Ninkii kale markuu waayey saaxiibkiis ayuu ka quustay lacagtii oo damcay inuu ku noqodo
gurigiisii isagoo niyad jabsan balse waxa uu doonay inuu uruuriyo xaabo si reerkiisu dabka ugu
shitaan, isaga oo ururinaya xaabadii ayuu arkay loox kadibna wuu soo qaatay markaasuu jabiyey
looxii kadibna waxa uu ka dhex helay kiishkii markaasuu furay waxaanu ku arkay kun diinaar
iyo fariin la socota markaasuu akhriyey fariintii mise waa saaxiibkii oo usoo diray lacagtii kunka
diinaar kuna wargelinaya inuu doon uu soo raaco waayey asagoo cudurdaaranaya. Ninkii kale
waxa uu soo ururiyey kun diinaar oo kale kadibna maalintii xigtay ayuu soo raacay doontii si uu
usiiyo saaxibkii uguna cudur daarto. Markuu saaxibkii la kulmay ayuu saaxibkii yidhi lacag hore
miyaad soo dirtay markaasbuu yidhi haa:- Saaxiibkii waxa uu yidhi waan helay lacagtii aad bada
soo raacisay ee iska hayso lacagtaada.

Qisadan waxay ka turjumaysaa amaanada iyo wanaaga ay leedahay in la guto, hadii aad ilaahay
run usheegtidna ilaahay wuu ku caawinayaa oo ku garab galayaa.

www.gaaldiid.com

You might also like