You are on page 1of 32

Weedha Tafatiraha..............................................

Xafladii Abaal-Marinta Shaqaalaha Telesom.....

Shirkadda Telesom Oo Casho Sharaf U


Samaysay Boodhka Cusub Ee Sonyo.................

Maal-Galintii Dhakhaatiirta Qaliimo Kala


Duwan Ka Fulisay Dhakhtarka Hargeysa...........

Telesom oo ka qaybgashay Shirar Caalami ah

10

Xarunta Telesom Ee Gabilay Oo Olole


Nadaafadeed Ka Fulisay Gabilay........................

11

Shirkadda Telesom Oo Adeegyo Cusub


Soo Bandhigtay Sanadka 2013...........................

12

Astaamaha Cudurka Macaanka Lagu Garto......

13

Baro Mid Kamida Shaqaalaha Telesom..............

16

Tababaro Kala Duwa Oo Xafiiska


Shaqada Iyo Shaqaalaha Qabtay.......................

17

Maxaad Ka Taqaanaa Adeega Dhambaal...........

20

Faaiidooyinka Caafimaad ee Timirta................

23

Xalaal Quute Qaybtii 2-aad.................................

26

Moobaylkii Ugu Layaabka Badnaa...................

28

Adeega ZAAD IVR Iyo Dadka


Araga Naafada Ka Ah..........................................

31

Issue May - Ju
17
20 2013ly
April - June13

E
ISSU
17

WEEDHA TIFATIRAHA

arka hore mahad balaadhan waxaa iska leh Ilaaha weyn ee


inaga dhigay umadda Islaamka, nabad iyo nimcooyin badana
inoogu deeqay. Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato
Rasuulkeenii Muxumed ahaa.

Mohamed Ibrahim
Eidtor-in-Chief

Guddida Tifatirka
1. Cabdisalaan Ismacil Nuur
2. Eng. Faarah Sugaal Guure
3. Cabdiwahaab Maah
4. Cadnaan Daahir Muxumed
5. Maxamed Cabdi Darbo

Intaasi ka dib, waxaa farxad weyn noo ah in aanu idin la waddago


xogta uu xambaarsan yahay wargayskan saddex-bilood laha ee Telesom.
Cadadkeenan 17-aad waxaanu ku soo qaadan doonaa, wax qabadyaddii
Shirkadda Telesom ee gobolada dalka, barnaamijyo caafimaad, diiniya
iyo sugaan.
Wixii macluumaad iyo barnaamijyo ah fadlan noogu soo hagaajiya
ciwaanada
Telesom Salaama Tower, Khairia Street
Tel:+252-522383
Email: media@telesom.com
www.telesom.net

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

Wasaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Oo Faah Faahin


Ka Bixisay Kordhintii Lambarada Ee Shirkadda Telesom Oo
Dadku Ku Jahwareereen

argeisa
[Telesom
Newsletter-09
May, 2013] - Wasaaradda Boosaha iyo
isgaadhsiinta Somaliland ayaa tafaasiil ka
bixisay lambaradda fureyaasha cusub ee shirkadda
TELESOM ku soo kordhisay Mobile-keeda gacanta.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boosaha iyo
isgaadhsiinta Somaliland Mudane Xasan Cumar
Hoorri, ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku
sharxayo fureyaasha cusub ee ay soo kordhisay
shirkadda TELESOM waxa uu u dhignaa sidan.

waxaan halka ka cadeynaynaa in wasaaraddu


oggolaatay adeegsiga lambarka 063 islamarkaana in
aanu waxba u dhimmayn qarannimada Somaaliland
taasoo dhammaanteen aan u wada taagan nahay
difaaceeda iyo horumarinteeda. Wasaaraddu waxay
hore farta ugu godday adeegsiga furaha dal (252)
ee ilaa hadda aan la wadaagno Somaaliya kasoo
haddii aanu si dhakhso ah looga xadhig furan,
dhowaan, keeni doona inaga xidhaan xukuumadda
Somaaliya ama in ay innagu cashuuraan.

Shalay, 8dii May 2013, shirkadda Isgaadhsiinta


Telesom
waxay
lambaradeedii ku soo
kordhisay Tirsiga 063
taas oo keentay in la
isweydiiyo lambarka
cusub
inkastoo
shirkaddu in muddo
ah dadweynaha ku
wacyigelinaysay
isbedelkan
soo
kordhay.
Haddaba
waxaa
Wasaaradda
xaq loogu leeyahay
in ay bulshada u
Xasan Cumar Hoori
iftiimayso lambarkan
soo kordhay iyo in Agaasimaha W.Isgaadhsiinta
ay dadweynaha ka
wacyigeliso wax kastoo la xidhiidha isgaadhsiinta dalka.
Sida aan ka warqabno, Ururka Caalamiga ee GSM
waxaa uu lamabar 06 u qondeeyay telifoonada mobilka
ee Somaaliland iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ee
Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ay saami
u heshay lambarka 061. Shirkadda Gollis ee maamulka
Punland iyaduna waxaa ay qaadatay lambarka 062
halka shirkadaha Somaliland iyaguna ay kala qaateen
Telesom 063, Telecom 065, iyo Nationlink 067 iyo 068.

Sidaa darteed, waxay wasaaraddu hore ugu


baaqday in shirkadaha isgaadhsiintu shir muhiim
ah isugu yimadaan Xafiiska Agaasimaha Guud,
10.00 subaxnimo, maalinta Arbacada, 15-ka May
si looga wada hadlo qorshaynta lambarada qaran
iyo wax kasta ka hor in laga wada hawl galo
sida ugu dhow ee dalku ku heli karo Fure Dal oo
gaar u ah Somaaliland. Waxaannu ku rajo weyn
nahay in xukuumadda, shirkadaha isgaadhsiinta,
ganacsatada iyo aqoonyahanku gacan naga siin
doonaan sidii loo xaqiijin lahaa arrinkaa oo leh

Ilaa hadda dalkeena waxaa laga isticmaala furaha


dal (country Code) 252 kaas oo aan la wadaagno
Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa inoo kala soocan
furayaasha degaamada. Sidaa darteed, waxaannu halka
ku qeexaynaa lambarka cusub ee 063 inuu gaar u yahay
dalkeenna iyo Shirkadda Telesom ee Somaliland.
Lambarku ma aha mid aan la wadaagno Xamar kamana
duwanaa qorshayaashii hore ee lagu maamuli jiray
lambarada dalka. Haddaba iyada oo isla arrinkan ay
hore warbaahinta uga la hadleen Wasiirka iyo madaxda
Waaradda Boosaha & Isgaadhsiinta, mar labaad,

mudnaanta kowaad ee dalka. Allaa Mahad Leh.

Issue May - Ju
17
20 2013ly
April - June13

E
ISSU
17

Shirkadda Telesom oo Si wayn uga Qaybqaatay Xuskii 18 May 2013

argeisa
[Telesom
Newsletter - 20 May, 2013)
- Shirkadda Isgaadhsiinta
Casriga ah ee Telesom ayaa si wayn
uga qayb qaadatay dabaal deggii
xuskii 18 May ee 2013. Xuskan
oo ahaa kii ugu waynaa ee abid
Somaliland qaranimadeeda sidan

oo kale looga xuso. Xafladdan


waxaa ka soo qayb galay kumanaan
kun oo ciidamada qalabka sida oo
ku gaashaaman hubka noocyadiisa
kala duwan iyo maalaayin qof
oo dadweynaha Somaliland ka
mid ah oo si wayn u muujiyadda
Qaranimadda
Somaliland.
Shirkadda Telesom ayaa suurto
galisay in si toos ah looga daawado
gudaha dalka iyo daafaha aduunka
Xafladda 18 May 2013 oo ka
socotay xarunta madaxtooyada
maalinimadii iyo habeenimadii.

shaqaalaha shirkadda Telesom


marka laga reebo tiro kooban oo
heegan ugu jiray in ay bulshadda u
fidiyaan adeegyadda aasaasiga ah
ee dadweynuhu u baahan yihiin.
Shirkadda Telesom waxay sidoo
kale samaysay qiimo dhimis 50%,
taas oo u suurto galisay in bulshaddu
si fiican oo
hufan u wadda
hadli karaan.
Shirkadda
Telesom waxaa
kale oo ay
xoogga saartay
oo ay kor u
qaaday tayadda
isgaadhsiinta
iyo adeegyadda
kale
ee ay
shirkaddu
bulshadda
w e y n t a
Somaliland u
fidiso, waxaanay bulshaddu si wayn
uu la dhaceen adeegyadaa shirkadda
Telesom. Dadweyne aad u tiro
badan ayaa si fudud oo xawaarihiisu
sareeyo uga daawanaayey xuska
18 May mareegaha wararka iyo
shabakaddaha
bulshadda
sida
facebook-ga oo ay dadku links
live-ka ah ay iska waydaarsanaayeen.

aad bay u kacsan tahay, waa maalin


si wayn loo xusay. Waa maalin aan
loo kala hadhin oo shacabkeenu si
wayn uga soo qayb galay. Shirkad
ahaan waxaanu u hambalyeynaynaa
shacbiga Somaliland ee u soo
baxay
xuska
sanad-guuradda
22-aad ee 18 May anagoo u
rajaynayna ictiraaf iyo horumar
lagu badhaadho. Shirkaddu si ay ula
qaybsato dareenka shacbi weynaha
Somaliland ee ku kala nool dunida
oo dhan, waxaanu u suurto galinay in
ay si toos ah ula socon karaan xuska
18 May dhinacyada Telefishanada
iyo shabakadaha wararka. Sidoo
kale waxaanu ku dadaalnay in aanu
xoojino adeegyaddii kale duwaan
ee xaga Internet-ka, ZAAD-ka iyo
xaga hadalkaba. Si aanu bulshadda
ugu fudaydino hawlaha culusayska
badan ee ay maalintan oo kale
leedahay.
Barnaamijyadda baahinta Tooska
ah ayaa inta badan saamayn ku
yeesha isticmaalka Internet ee
bulshada balse shirkadda Telesom
arintaasi way ka hor tagtay,
waxaanay suuro galisay in si toosa
ahna loo daawo, sido kalena ay
bulshadu hesho internet aan hakad
iyo dib u dhac toona aan galin hawl
maalmeedkooda muhiimka ah.

Maamule Ku-xigeenka Waaxda


Xidhiidhka Dadweynaha iyo Suuqgaynta ee shirkadda Telesom Md.
Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka
waramay dareenkiisa ku saabsan
Dhanka kale dhamaan xarumaha xuska dabaal-degga maalinta 18
shirkadda Telesom ay ku leedahay May iyo sida Shirkadda Telesom uga
goboladda dalka ayaa si wayn loogu qayb qaadatay baahinta maalintan
soo bandhigay astaamaha 18 May. isagoo ka waramaya waxaa u yidhi,
Sidoo kale waxa baddi la fasaxay Run ahaantii maanta shucuurtaydu

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

Mashaariicda Telesom Ka Fulisay Hawlaha


Danta Guud Qaar ka Mid ah Gobolada
Dalka

obolada Dalka [Telesom


N e w s l e t t e r- M a r- J u n e
2013]

Shirkadda
Telesom oo ah shirkadda had iyo
goor u heelin ka qayb-qaadaha
hawlaha Horumarinta danta guud
ee dalkaa ayaa sadexdii bilood ee
(Mar-June 2013) dalka ka fulisay
mashaariic danta guud ah oo ay
shirkaddu ku caawisay hawlaha
danta guud ah. Mashaariicda
ay
shirkaddu
ka
fulisay
magaalooyinka Hargaysa iyo qaar
ka mid ah gobolada waxaa ka mid
ahaa.

Goblka Maroodi-jeex

Gobolka Awdal

Shirkadda Telesom ayaa


cusbitaalka guud ee magaalada
Hargaysa ugu deeqdan lacag dhan
$20,000 lacagtaasi oo loogu talo
galay in dayactir iyo dib u dhis
laga sameeyo dhismayaal ka mid
ah cusbitaalka weyn ee magaalada
Hargaysa. Telesom ayaa lacagtan
ku wareejisay guddida cusbitaalka
Guud ee magaalada Hargaysa.

Xarunta Xariirad: Shirkadda


Telesom ayaa lacag dhan $5,000 ku
wareejisay Guddida Dhismaha ee
Cusbitaalka magaalada Xariirad.
Xafladda lagu wareejinaayey
lacagtan deeqda ah ee shirkadda
Telesom bixisay waxaa ka soo
qayb galay qaar ka mid ah
masuuliyiinta shirkadda Telesom
ee xarunta guud ee Hargaysa iyo
xarunta Xariirad, iyo sidoo kale
guddida cusbitaalka Xariirad
iyo qaar ka mid ah masuuliyiin
dawladda ee magaalada Xariirad.

Dhanka kale Shirkadda Telesom


ayaa sidoo kale waxay lacag dhan
$5,000 ku wareejisay guddida
xaafada Sheekh Nuur.

Issue May - Ju
17
20 2013ly
April - June13

E
ISSU
17

Shirkadda Telesom Oo Maal-galisay


Duqsiga Degamadda Qoryaale

urco - [Telesom Newsletter - 14 May,


2013] - Shirkadda Telesom ayaa Toban
Kun oo Doolar ($10,000) ku wareegay
guddida dhismaha dugsiga Qoryooley.
Xafladda lagu wareejiyey lacagtan deeqda waxaa ka soo
qayb galay Gudidda dib-u-dhiska iskuulkasi, Madaxda
Shirkada Telesom, Cuqaal, Aqoonyahano, Culimo
Awdiin iyo Marti sharaf kale.

leeyahay guud ahaanba ummada reer Somaliland,


waxaanu Jaamac usoo jeediyay bulshada qaybaheeda
kala duwan inay kaalin buuxda ka gaystaan dhismaha
dugsigani.

Maamulaha Shirkadda isgadhsinta Telesom ee gobalka


togdheer Maxamuud X.Ibraahin Maxamud oo halkaasi
ka hadlay ayaa sheegay inay shirkada Telesom mar
walba diyaar u tahay horumarka Somaliland, isla
Dugsigan laga hirgelinayey degmada Qoryaale ayaa markaasna meel ay wax ku darsato ugu jeceshay goob
ah Dugsi ay wax ka bartaan 70 arday kuwaasi oo ka waxbarasho ama aqoon iyo cilmi yaalo.
kala yimi dhamaanba degaanada bariga Somaliland.
Munasibadii ay shirkada Telesom ku Warejinaysay Waxa iyaguna muunasibaddan ka hadlay gudomiyaha
deeqda ay ugu talo gashay dugsigaasi waxa ka soo degmada qoryaale Bile Jaamac Muuse iyo Caaqaal tiro
qayb galay maamulaha dugsigaasi sheekh Jaamac Cali badan oo dadka degaankaasi ah, waxaanay dhamaantood
Cabdile oo halkaasi ka hadlay ayaa shirkadda Telesom shirkadda Telesom ku hambalyeeyeen kaalinta ay kaga
ku ammaanay doorka fiican ee ay kaga qayb-qaadatay jirto horumarka dalka.
dhismaha iyo dhammaystirka dugsigani.
Waxanu Mana aha markii u horeysay ee shirkadda Telesom ka
sheekhu soo bandhigay waxyabihii u qabsoomay qayb qaadato qaadhaanka dhinacyada waxbarashada
mudadii uu socday dhismaha dugsigani iyo waliba iyo horumarinta deegaamada hoos yimaada gobolkani
carqaladaha ka horyimi mudadii la waday dhismahiisa, Togdheer, waxana uu dhismaha Dugsigasni imminka
isagoo bulshada reer Somaliland na ugu baaqay inay ka ku dhowyahay Dhammaad.
qayb-qataan dhismaha iskuulkani oo uu sheegay inuu
faaiido badan u leyahay bulshada degaamada bariga
Somaliland. Jaamac Xaji Ahmed oo ka mid ah gudida
iskuulkani ayaa ka sheekeeyay qiimaha uu dugsigani u

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

201

E
ISSU
7
1

Qaar Ka mid ah Barnaamijyadda


Xarunta Telesom Laascaanod Qabatay

aascanood
[Telesom
Newsletter 21 June
2013] Xarunta Telesom
Laascanood
ayaa
saddexdii bilood ee u dambeeyey,
waxay magaalada Laascaanood ka
fuliyee barnaamijyo kala duwan
oo isku jiray taageero dhaqaale oo
ay shirkaddu u fidisay xafladdihi
xidhitaanada
Iskuulada
sare,
doodo iyo tartarno lagu qaybtay
Jaamacadda Nugaal

ardayda dugsiga sare ee Muuse


Yuusuf , oo ay ka soo qayb galeed
qaybo ka mid ah masuuliyiinta
sare ee dugsiga Muuse Yuusuf,
shirkada is gaadhsiinta ee Telesom,
Ururka SCOLA, aqoonyahano
iyo masuuliyiin waxbarashada ee
gobolka Laascaanod.

ahaantii ka goan tahay dhiir galinta


waxbarahsadda, sidoo kalena waxaa
uu tilmaamay adeegyada caawiya
waxbarashada ee ay Telesom u soo
kordhisay bulshada.

Dhanka kale waxaa sidoo kale


shirkadda Telesom Laascaanod
ay maal-galisay xafladdii sanad
Xafladasi waxaa ka hadlay Dugsiyeedka Macadka Caaisha
masuuliyiin kala duwan oo uu ka ooa ay ka qalin jabiyeen hablo aad
mid ahaa maamulaha Telesom u tiro badan.
Laascaanod
Md.
Cabdirsaaq
Xafladahaasi waxaa ka mid ahayd Axmed Warsame waxaanu xusay
xaflad ay si heer ah u soo agaasimeen in shirkadda Telesom ay run

E
ISSU
17

Issue May - Ju
17
20 2013ly
April - June13

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

Shirkadda Telesom oo Casuumad u Samaysay Shaqaalihii ka Hawl-galay


Baahintii Tooska ahayd ee 18 May iyo Ciyaarihii Gobolada Dalka

argeysa
[Telesom
Newsletter 27 June, 2013]
Maamulka shirkadda
Telesom ayaa casuumad u sameeyey
shaqaalihii kala duwanaa ee ka
hawl-galay baahintii tooska ahayd
ee shirkadda Telesom sanadkan
kaga qayb-qaadatay xuskii 18
May iyo Ciyaarihii Goboladda ee
qaybsoomay bishii June. Xafladan
maamulka Telesom ku maamuusay
shaqaalihii kala duwanaa ee ka qayb
qaatay hirgalinta barnaamijkan
ayaa ka dhacday hutel Safaari ee
magaalada Hargaysa.

galinta Eng. Muuse Cali Cige,


Maamulaha Waaxda Horumarinta
Ganacsiga Md. Cabdsilaan Ismaacil
Nuur, Maamulaha Waaxda IN-ka
Md.
Maxamud
Cabdiraxman
Gadhyare, Maamulaha Qaybta
Horumarinta Gobolada Md. Cali
Maxamed Saalax (Cajab), Maamule
Ku-xigeenka Qaybta MPR-ka Md.
Maxamed Cabdi Darbo, Maamule
Ku-xigeenka Qaybta HRD Md.
Mustafe Askar iyo shaqaale ka
kala socday qaybaha
IN-ka,
R&D, MPR-ka, Injineerkinka iyo
Landline-ka.

May iyo Ciyaarihii goboladda ku


amaanin sidii hawl-karnimadda
lahayd ee shaqaaluhu uga hawlgaleen baahintaais tooska ah.
Waxaanay si guud u tilmaamay in
shirkadda Telesom shaqaaleheedu
ay ku wadda guulaysteen baahinta
barnaamijyaddasi. Maamulka ayaa
tilmaamay in shaqaalahu markay
hawl wayn qabtaan in ay haboontay
in la bogaadiyo laguna amaano
dadaalka ay sameeyeen.

Dhanka kale, Qaar ka mid ah


shaqaalaha Qaybaha kala duwan
ee ka qayb qaatay baahintii tooska
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Maamulayaashan kor ku xusan ahayd ayaa iyadaguna dhankooda ka
maamulaha hawl-galinta Telesom ayaa
dhamaantood
waxay muujiyey dareenkooda ku aadaana
Md. Ciise Maxamud Faarax, shaqaalaha Telesom ee ka hawl- hawshaa ay qabteen iyo waxyaalihii
maamule
ku-xigeenka
Hawl- galay baahinta barnaamijyaddii 18 ay kala kulmeen.

10

Issue May - Ju
17
20 2013ly
April - June13

E
ISSU
17

SHIRKADA TELESOM OO MAALGALISAY TARTANKA QURAANKA


KARIIMKA AH OO LAGU QABTAY GABILEY IYO
ARDAY TIRA BADAN OO KASOO QAYB GASHA TARTANKAASI

abilay - [Telesom Newsletter -june 2013 ] Shirkada isgaadhsiinta Telesom Gabiley ayaa
maalgalisay tartanka quranka kariimka ah
ee lagu qabtay Masjid Nuur Magaalada Gabiley,
Tartankaas oo ka socday bisha barakaysan ee ramadaan
masaajidkaasi waxa ka qaybqaatay todabaatan iyo
dheeraad arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaas
oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Gabiley.
Munaasibadii khatinka tartanka quraanka kariimka ah
oo lagu qabtay Masjid Nuur Magaalada Gabiley waxa
ka soo qaybgalay gudoomiye ku xigeenka Gobolka
Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case), Maamulaha
Shirkada Telesom Gabiley Sh Maxamed Muumin
Aaden, Culumaaudiin tirabadan oo ka tirsan culimada
Gabiley iyo ardayda ku tartamaysay Tartankaasi
quraanka kariimka ah ee bisha Ramadaan.
Dhamaan ka soo qaybgalayaashii Munaasibadan
ayaa uga mahadceliyay shirkada Telesom gacanta
muhiimka ah ee ay ka gaysato wax ka qabashada
arimaha bulshada Somaliland gaar ahaan xifdiga
quraanka kariimka ah.

11

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

201

E
ISSU
7
1

Shirkada Telesom Oo Maalgalisay Kulan Dood Cilmiyeed Iyo Wacyi


galinta Tahriibka Dhalinyaradda Ku Saabsanaa

erbera [Telesom Newsletter24 June, 2013] - Kulan


balaadhan oo isugu jiray
dood cilmiyeed iyo wacyigalin, kuna
saabsanaa aafada ay tahriibtu ku
hayso dhalinyarada reer Somaliland
ayaa lagu qabtay Hoolka jaamacada
badda ee Berbera 24-kii June 2013.
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen
Naadiga akhristayaasha ee Berbera
Readers Club, islamarkaana ay
maalgalisay Shirkadda Telesom.

Readers Club Maxamuud Maxamed


jaamac, wuxuuna sharax kooban ka
bixiyey ujeedada mawduucan lagaga
hadlayo, wuxuna hadadalka ku
soo dhaweeyey xubno dhaliyarada
aqoonyahanka ka mid ah oo dooda
ka qayb qaadanayay. Shabcaan
Cabdilaahi Cilmi oo isagu madasha
ku soo bandhigay xog ururin uu ku
soo sameeyey sababaha ugu wayn
ee ay dhalinyarada gobolka saaxil
u tahriibaan, wuxuuna ku sheegay,
dhalinyarada tahriibta inay u
Kulankan waxa ka soo qayb galay badanyihiin, kuwa aan aqoontooda
Wasiirka wasaarada Qorshaynta diineed dhisnayn,
Qaranka Dr. Sacad Cali Shire,
Maayarka magaalada Berbera Dhanka kale, waxa isna halkaasi
Cabdishakuur Maxamuud Xasan ka hadlay Maamulaha Shirkada
(Cidin), Xil. Maxamed Faarax Telesom ee Berbera Sh.Mustafe
Qabile, Xooghayaha Dawlad Hoose Cali Cumar, wuxuuna ku dheeraaday
Suhayb Maxamed Cali, Qaar ka mida Shareecada islaamku waxay ka
xildhibaanada golaha deegaanka qabto tahriibta wuxuuna sheegay in
degmada
Berbera,
madaxda culimada islaamku isku waafaqsan
laamaha dawlada ee gobolka saaxil, yihiin tahriibku inuu yahay shay
aqoonyahno, ganacsato, culimo iyo xaaram ah, wuxuuna dhalinyarada
qaybaha kala duwan ee bulshada u soo jeediyey inay dhulkooda
gobolka saaxil.
aaminaan oo ay ka shaqystaan,
wuxuuna intaas ku daray in shirkada
Kulankan ugu horayn waxa furay TELESOM ay ka qayb qaadato
Gudoomiyaha Naadiga Berbera shaqo abuurka maantana ay ka

12

shaqeeyaan kumanaan dhalinyaro


ahi, dhamaantoodna ay ku yimaadn
imtixaan si cadaalad ah loo qaaday.
Ugu dambayna waxa munaasibadaas
soo xidhay Wasiirka Qorshaynta
Qaranka Dr.Sacad Cali Shire.
Wuxuu wax badan uga waramay
dhalinyarada duruufaha nololeed
ee yaala wadamada Qurbaha oo uu
muddo dheer ku noola, Dhalinyarada
wuxuu kula dardaarmay inay dadaal
wixii quluubtooda ku jira ee ay ku
hamiyaana ay gaadhi doonaan.
Wuxuu qiray inay shaqo laaan
badani ka jirto wadanka, lakiin taas
xalkeedu aanu ahayn inay badaha
isku guraan. Dr. Sacad wuxuu
hogo tusaaleeyey siyaabo badan
oo shaqo abuur lagu samayn karo
dhalinyarada.
Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay
jawi aad u qurxoon, dadwaynihii
madashaa fadhiyey aad ula dhaceen
mawduuca laga hadlayay oo ahaa
mid aad mihiim ugu ah bulshada
xiligan xaadirka ah.

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

Shirkadda Telesom a oo Barnaamijyo


badan ka Fulisay Booram

oorama [TLS-Newsletter 03 July, 2013]


- Shirkadda Telesom Laanteeda Boorama
ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyey
waxay adeegyo badan iyo caawimooyin
kala duwan ugu deeqday macaamiisheeda ku sugan
magaalada Boorama iyo Agagaarkeeda. Maamulaha
Xarunta Telesom ee Borama Md. Cabdiqadir Adam
Nuur ayaa si wayn uga dhex muuqday taageeradda
shirkadda Telesom la barbar taagan tahay bulshada ku
nool magaalada Boorama iyo nawaaxigeeda.
Shirkadda Telesom Borama ayaa ka fulisay mashaariic
kala duwan oo ay
ka mid ahaayeen
dayactir iyo qurxin
ay
shirkaddu
ku
samaysay
laamiyadda
ku
yaalama
magaalada
B o o r a m a .
Shirkadda Telesom waxay sidoo kale Kaabadhahanasashada ka samaysay qaar ka mid ah Jaamacada,
Iskuulada, cisbitaalada iyo meelaha ay dadku ku
nastaan ee magaalada Boorama.

14

Maamulaha
Xarunta
Telesom
Boorama
Md.Cabdiqaadir Adam Nuur ayaa kala qayb
galay saddexdii
bilood
ee
u
dambeeyey ilaa
iyo sideed iskuul
xafladahoodii.
D h a m a a n
xafladaasi
oo
ay maal-galisay
s h i r k a d d a
T e l e s o m ,
waxaanay ardayda
Iskuuladaasi lagu
gudoonsiiyey
amaal-marino kala duwan.
Dhanka kale, xaflad lagu qabtay hotel Rays
ee magaalada Boorama oo abaal-marino lagu
gudoonsiinaayey 10-kii qof ee ugu wax-qabadka
wanaagsanaa magaalada Boorama ayaa waxaa
ka mid ahaa maamulaha Telesom Boorama Md.
Cabdiqaadir Adan, ka dib markii uu hormuud ka
noqday barnaamijyadda Horumarinta gobolka awdal
oo uu shirkad ahaan iyo shaqsi ahaanba kaga qayb
qaatay.

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

Telesom oo Maalgalisay Xafladda Gardaadinta


Xarun Cusub ee Suugaanta

argeisa
[Telesom
Newsletter

26
June, 2013] Shirkadda
Telesom ayaa maal galisay xafladdii
gardaadinta ururka Dhaqanka, Fanka
& Sugaanta. Munaasibaddan ayaa
ka dhacday Hotel Maansoor ee
magaalada Hargeysa. Waxaana ka
soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga
Mucaaridka ah ee UCID, shirkadda
Telesom, Salaadiin, Aqoonyahano,
Hayaddo caalamiya, kuwa waddaniga
iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Ururkan oo uu aasaase ka yahay Boobe
Yusuf Ducaale, Maxamed Shugri iyo
dhawr qof oo kale. Ururkan ayaa ah
ururkii ugu horeeyey ee noociisa ah
ee laga aasaaso Somaliland. Boobe
Yusuf ayaa ka hadlay ujeedada
ururkan loo aasaasay waxaanu
yidhi, Muddo ku dhow rubuc qarni
looma dhaqaaqin, ama il naxariis leh
laguma eegin dhaxalkii ugu mudnaa
ee ay ummadani lahayd oo ah afka,
dhaqanka, fanka iyo sugaanta. Rubuc
qarnigaasba waxaa la kabaayey

16

oo la gufeynaayey gabayadii kale


ee dalka taallay oo u badnayd mid
maadiya iyo mid duleed oo nolol lagu
raadinayay, sidaana waxaaa ku lumay
aayihii, aqoontii soyaalkii iyo dhaxalkii
ma-guuraanka ahaa ee dadka iyo dalku
lahaa oo ah afka dhaqanka, fanka
iyo sugaanta waxay taariikhdu ina
bartey in umadda aan lahayn oday-ka
sheekeeya ama ka goblanta dhaqan
iyo taarikh ay lahayd ay ummaddaasi
hayso dhabbihii tasowga iyo is-waagi.
Abwaan Yusuf Shaacir oo isna ka
mid ah aasaasayaasha ururkan ayaa
umahad naqay dadkii munaasibadaas
ka soo qayb-galay waxaanu sheegay
in xaruntani tahay mid isku xilsaartey
ka shaqeynta dhowridda hiddaha iyo
dhaqanka Somaliland, isaga oo xusay in
xaruntani tahay mid hanaqaadaysa oo
ku tiirsan shacabka reer Somaliland iyo
ganacsatadda. Waxaanu si gaar ah ugu
mahad naqay Shirkadda TELESOM oo
gacan ka geysatey qabsomida xafladda
lagu daah-furey ururkan suugaanta.

Ugu dambeyn waxaa madasha


ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga
mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal
Cali Waraabe oo sheegay in ay mihiim
tahay in la kobciyo lana ilaaliyo tayada
uu leeyahay afkeena iyo dhaqankeena
suuban oo ay muhim tahay in laga wada
shaqeeyo waxaa kale oo uu carabka ku
dhuftey Eng.Faysal Cali Waraabe sida
ay muhiimka u tahay in xaruntani ay
ka hawl gasho wadankeena Somaliland
isaga oo u mahad naqay gudida qaban
qaabada xaflada ku soo casuumtey
xisbi ahaana soo dhaweynayaan.

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

TELESOM oo Lagu Amaanay Hirgalinta Adeega ZAAD

argeysa
[Telesom
Newsletter-29
June,
2013] - Warbixin uu
diyaariyay ururka GSMA, oo ah
urur ay ku bahoobeen shirkadaha ka
shaqeeya shabakadda isku xidhka
mobiladda ayaa si qoto dheer uga
hadashay hirgelintii, hababka uu ku
guulaystay iyo isticmaalka adeeg

ZAAd ee shirkadda TELESOM.


Warbixinta waxa lagu xusay in
Shirkadda TELESOM ay tahay
hogaamiyaha shirkadaha isku xidhka
shababkada mobilka Somaliland,
una adeegto macaamiisha ugu
badan Somaliland oo u dhiganta

18

85% suuqa adeega mobilka


Somaliland.
Shirkadda TELESOM ayaa sanadkii
2009 waxay soo kordhisay adeeg
cusub oo la magac baxay ZAAD
ayaa noqoday kii ugu horeeyey
ee wadanka Somaliland adeega
maaliyadeed looga isticmaalo.
Wakhtigaa intii ka dambeysay
adeegan waxa uu noqoday mid
hanaqaaday. Bishii June 2012,
in ku dhow 40% macaamiisha
isticmaasha adeega GSM-ka waxay
isticmaalaan ama iska diwaan
geliyeen isticmaalka adeega ZAAD.

Waxa kale oo warbixinta


lagu xusay in TELESOM ay cashar
ka baratay, khibradii iyo hababkii
ay ku guuleysteen shirkaddaha ka
shaqeeya adeega maaliyadeed ee
wadamadda jaarka ah, waxaanay
ku dabaqeen casharaddan habka
dhaqan dhaqaale ee Somaliland,
taasi oo u sahashay in adeegani
guulaysto. Macaamiisha adeega
ZAAD ee TELESOM waxa ay
isticmaalaan celcelis ahaan 30 jeer
bishii, tani waxa ay tilmaamaysaa in
sideed goor iyo badh ay Somaliland
ka sareyso celceliska caalamka.
Adeega ZAAD ee TELESOM waxa
uu ka mid yahay GSMA-ka adeega
maaliyadeed ee mobilka, waxaana
loo aqoonsaday ka ugu wanaagsan
adeega maaliyadeed ee caalamka.
Dhanka kale waxa ay warbixintu
intaa ku dartay in sanadkii 2012-kii
adeeg TELESOM ZAAD services
uu ururka caalamiga ee ay ku
bahoobeen shirkadaha isgaadhsiintu
ee GSMA uu u aqoonsaday in
shirkadda TELESOM ay ka mid
tahay shan shirkadood ee ugu
horeeya aduunka Mobile money
transfer (MMT).
Guntii iyo
gebogabadii war-bixinahani waxa ay
tilmaamtay guul balaadhan oo u soo
hooyatay Somaliland iyo shirkadda
TELESOM-ba, waxaanay arrintani
tilmaamaysaa xawliga ay shirkadda
isgaadhsiinta TELESOM ku socoto
marka la barbardhigo shirkaddaha
dhigeeda ah ee ka jirra caalamka.

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

MAXAAD KA TAQAANAA ADEEGYAD

Diyaariye: Mustafe Maxamed Xa

alaam Financial Services waxaay u shaqaysaa


sida Bangi Caalami ah ama Hayaad Maaliydeed
oo ku salaysan Shareecada Islaamka. Salaam
Financial Services inkasta oo la aasaasy sanadkii 2010
haddana waxay ku talaabsatay horumar balaadhan oo
dhinca adeegyada ah oo dalka ku cusub iyo balaadhinta
xarumaha shirkada. Hadaba waa kan adeegyada Salaam:
1.
Xisaab Furasho: Salaam waxaad ka
furan kartaa dhamaan noocyada Xisbaadka
ama dhigashada sida Xisaabta Kaydka ah
(Saving Accounts ) iyo Xisaab Qulqulka ah
(Current Account ). Waxa kale oo Salaam
laga furan karaa labada xisaabood ee kala
ah Shaqsiga iyo shirkadda /Hayaddaha.
2.

Adeega KAAFI: Waxa jira adeegyo aad

qaadato horumarka iyo Koboca dhaqaalaha


Bulshada
waxay
Macaamiisheeda
u
samaysaa Maalgashi kaasi oo ku salaysan
Shareecada
Islaamka
sida
(Muraabaxa,
Mushaaraka, Mudaarabah, iyo Istinaacah)
5. Lacag Dirid : Salaam waxay lacag kuugu diri
kartaa Bangi kasta oo aduunka ah waanay
kaaga soo wareejin kartaa (Account to Account
Transfer). Dhanka Salaam waxay kale xidhiidh
dhow oo toosa ah la leeyihiin Bangiyada kala ah:
1. COMMERZEBANK
2. BARCLAYSBANK
3. ASY KTILIM BANK
4. NOOR ISLAMIC BANK
5. Iyo Waliba Bangiyo kale oo Caalmi
ah.
4. Online Prepaid Card: Waa adeeg kuu sahlaya
inaad Mareegaha iyo Suuqyada internetka
wax kaga iibsan karto sida (inaad Buugaag ku
soo iibsato, inaad lacag Jaamacdeed iskaga
bixiso iyo inaad ku bixiso Qaadhaan Shir
Caalami ah oo aad ka qaaybgaleyso imw)
5. E-banking:
Waa adeeg aad kala
socon karto dhaqdhaqaaqa xisabtaada
kuna ogaan karto Hadhaagaga adiga
oo isticmaly Internetka
si Online ah.

lacagta kula bixi karto oo ay ka mid yihiin, oo ku


sahlaya lacagta Akownkaaga Salaam ku taal inaad
Moobaylkaaga ZAAD ahaan aad ka isticmaashid
oo aad kala bix kartid kuna dhigan kartid.
3. Mishiinka Lacag La Bixid (Automatic
Teller Machine ATM): Kaasi oo laguugu
diyaariyay
Farasmagaalaha
Caasimada
Hargeysa
iyo
Hudheelada
waaweyn.
4. Maalgashiga:

20

Si

ay

Salaam

uga

qayb

Waaxaha Bangiga
1. Waaxda Daryeelka Macaamiisha
2. Waaxda Maalgalinta
3. Waxda IT-ga

Issue May - Ju
17
20 2013ly
April - June13

E
ISSU
17

DA SALAAM FINANCIAL SERVICES?

asan, Madaxa Suuq-geynta SFS


4. Waaxda Suuq-geynta
5. Waax Qasnada
6. Xarumaha Goboladda
1. Xarunta Guud Hargaysa
2. Laanta Boorama
3. Laanta Tog wajaale ( dhawaan ayaa la furay)
4. Laanta Berbera
5. Laanta Burco.

21

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

Tababaradda La Siiyey Shaqaalaha Kala duwan ee


Shirkadda Telesom

argeysa
[Telesom
NewsletterAprilJune 2013] Qaybta
Shaqadda iyo Shaqaalaha oo
hadyo goor u heelin, daryeelka,
kobicinta, kor u qaadida tayadda
iyo aqoonta shaqaalaha ee
shirkadda Telesom ayaa bilihii

waxaa la siiyaa maamulayaasha


shirkadda. Tabababar ku saabsan wacy
galinta amaanka maamulka shaqadda
ayaa loogu qabtay maamulayaasha
Telesom ee gobolada iyo xarunta
guud ee Hargaysa.. Waxaanu
socday muddo laba cisho ah.
Waxaa sidoo kale oo shaqaalaha

lagu qabtay magaalada Hargaysa.

Security Policy& Awareness


Trainings ee sites-ka: Tababarkani

waxa loo qabtay shaqaalaha Sites-ka


Boorama,
wajaale,
Gabiley,
Berbera, Burco iyo Laascaanood.
Tababarkan waxaa loogu qabtay
xarumahooda waxaa uu socday mudo
dhan 10 cisho 22/06/2013-02/07/2013.

Tababarka
Illaalada
ee
Dabdhaliyayaasha & Wacyigalinta Balwada:Tababarkan waxa

loo qabtay shaqaale ka tirsan Waaxda


Illaalada.
Tababarku waxa uu
socday muddo saddex maalmood ah.
Tababarkan waxa lagu qaatay duruus
la
xidhiidha
dabdhaliyayaasha.

Tababarka Madaxda Illaalada


ee Amaanka guud & Maamulka:
ugu dambeeyey waxay tababaro
kala duwan u qabatay shaqalaha
kala duwan ee shirkadda Telesom
Tababaradda Qayta Shaqadda
iyo Shaqaaluhu bixiyeen waxaa
ka mid ah: Network Security
Training. Tababarkan waxa loo

qaybaha Sales, ZAAD, IR, Supply


Chain & Landline la siiyey
tababar ku saabsanaaa lacagta loo
maamulo, war-bixin diyaarinta,

Tababarkan waxa loo qabtay shaqaale


ka tirsan Waaxda Illaalada gaar ahaan
Xabaadhayaasha sites-ka (Berbera,
Boorama, Burco, Wajaale, Gabiley,
Laascanood
iyo
Hargeysa).
Tababarku waxa uu socday muddo

qabtay shaqaalaha qaybaha NIS,


ISP, R&D, ICT, Zaad & EVC,
Eng-ka iyo IN. Tababarkan waxaa
lagu qabtay Hargeisa waxaa uu
socday mudo dhan 12 maalmood.

Sales
Basics,
Networking
& Cisco routers: Tababarkan

waxa qaatay shaqaale ka tirsan


qaybta Iibka ee xarunta Telesom
Laascaanood, waxaana la siiyey
shaqaalaha xarunta Laascaanod.
Tabaradda ay qaybta Shaqadda iyo
shaqaaluhu bixisaa kuma koobna oo
kaliya shaqalaha, balse sidoo kale

22

xirfaddaha xidhiidhka, daryeelka


macaamiisha, iyo sida wakhtiga
loo maareeyo. Tababarkan oo soday
muddo saddex maalmood ah, waxaana

saddex maalmood ah. ababarkan


waxa lagu qaatay duruus la xidhiidha
Amaanka guud iyo Maamulka.

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

Baro Mid ka Mid ah Hormoodka


Shaqaalaha Telesom

ormadeenii taxanaha ahayd ee


baro mid ka mida horumoodka
Telesom, waxaynu ku soo
qaadan doonaa Cabdirisaaq Cabdilaahi
Cali (Shabeel) oo ka mid ah shaqaalaha
ka hawlgala xarunta guud ee shirkadda
Telesom ee Hargeysa.

Md.Cabdirisaaq

Cabdilaahi

Cali

(Shabeel) waxa uu ku dhashay


Jamhuuriyada Somaliland. Caasimada
Hargeysa
sanadkii
1982-kii,
Cabdirisaaq (Shabeel) waxa uu ku
dhamaystay waxbarashadiisii dugsiga
hoose/dhexe Madarasatul Al-furqaan,
wuxuu dugsiga sare ka dhamaystay
Abu-hureyra
secondary
school.
Sanadkii 2009 Cabdirisaaq Cabdilahi
waxaa uu shahaada BBA Degree ka
qaatay Jaamacada Hargaysa, kuuliya
maaraynta
ganacsiga
qaybteeda
maamulka.
Dhanka
kale
xaga
waxbarashada dadban, Cabdirisaaq
Cabdilaahi Cali waxa uu maadooyin
badan ka dhigtay iskuulada gaarka loo
leeyahay ee magaalada Hargeysa.
Md. Cabdirisaaq Cabdilahi waxaa uu
shaqada shirkadda Telesom ku soo
biiray bishii November 4-dii, 2004,
waxaanu soo qabtay shaqooyin kala
duwan oo ay ka mid ahaayeen Amaanka,
Xog-haye,
Qaabile.
Wakhtigan
xaadirka ah Cabdirisaaq waxaa uu ka

24

tirsan yahay qaybta Supply Chain-ka


waxaanu madax ka yahay laanta Iibka
Gudaha iyo Dibadda. .

hayay hadaba tababaradaas waxaa ka


mida:

Md. Cabdirisaaq Cabdilahi Intii uu


shaqada joogay waxa uu sameeyay
horumar farabadan oo la taaban
karo, taasna waxaa inoo cadaynaya
shaqooyinka kala duwan ee uu soo
qabtay intii uu joogay shirkadda
iyo darajooyinka uu ka
gaadhay
horumarkaas uu sameeyay waxa
uu ku mutaystay abaalmarino iyo
shahaadooyin la gudoonsiyay sanadihii
2009 iyo 2010. Sidaas daraadeed,
markii uu maamulka Xafiiska shaqada
& shaqaaluhu arkay kartida &
dadaalka uu muujiyay Md. Cabdirisaaq
Cabdilahi waxa uu mudadii uu
shirkadda u shaqaynayay qaatay
tababaro farabadan, kuwaas oo iskugu
jiray qaybo kala duwan oo la xidhiidha
masuuladihiisa shaqo ee uu markaa

2. CCNA and CCNP ( Switching)

1. Maamulka Hantida iyo Iibsiga


3. Wax-soo-iibinta iyo Kaydinta
Alaabada
4. Warbixin Diyaarinta
5. Maamulida
Management

Wakhtiga

Time

6. Koox Wadda-shaqaynta
7. Maaraynta Maaliyadda
Gebogebadii Md. Cabdirisaaq Shabeel
oo kaliya maaha shaqaalaha kor u
qaaday aqoontooda, xirfadooda &
horumarkooda shaqo ee waxaa jira
shaqaale badan oo aanu mid mid ugu
soo qaadan doono caddada soo socda
ee wargayska Shirkadda Telesom.

Issue May - Ju
17
20 2013ly
April - June13

E
ISSU
17

Gabay: Astaamaha Maamulaha


Wanaagsan

abaygan
la
magac baxay
Astaamaha
M a a m u l a h a
Wa n a a g s a n ,
waxaa alifay Xaaji
Maxamud
Xaaji
Ibraahim Maxamud,
oo ah maamulaha
Telesom Burco. Xaaji
Maxamud ayaa gabay
alifay 17 June 2013.
Waxaanu kaga hadlayaa waxa looga baahan yahay
maamul iyo maamule. Gabaygiisiina waxa uu ku
bilaabay sida tan:
1. Mustafoow madasheena
Maalmihii inna dhaaafay
Maamul baa la dhigaayoo
Ninba qaab u macneeye
Bal aan maandhe sifaynee
Maamul waa odayayn.
2. Madax duunyo u baahani
Hadday soo martiyaan
Madduun maaha bakhayla.

3. Kolka maaro la waayo


Xaalku meel adag joogo
Mindi weeye wax goysa.
4. Keligii ma mudhleeyo
Shaqaalaa kama maarmo
Waa horjooge macquul ah.
5. Ismargaagshe aftaagoo
Ku masquulay naftiisa iyo
Mintid maaha istiila.
6. Haddiise maayad kacdooniyo
Mooshin xoogi yimaado
Miskiin maaha diciif ah.
7. Maslaxad gaara ma dhawrto
Midh jeclaysi ka dheer
Eexana waa ka mamnuuc.
8. Mandarkiisiyo joogga
Waa innaan laga maaginoo
Maryo fiican xidhaa (haybad).
9. Mawduuc weeye ballaadhanoo
Murti koobi karayne
Maarayn baa u astaan ah.

Fadlan nagala soo xidhiidh Wixii Faahfaahina


Telesom Media Office
Email: media@telesom.com
Tel: +252-522383
www.telesom.net

25

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

inoogu dhiiri geliyeen Xajka iyo


Cumrada, waxayna ku sheegeen Fadli
aad u balaadhan, oo Rasuulku (SCW)
ku tilmaamay Axaadiis badan. Ilaahay
Xajka iyo Cumarada ku dhaafo
dambiyada, Janadda lagu galo, Faqriga
Ilaahay kaga kaxeeyo,

acnaha Xaj & Cumro:


Macnaha xajku waa
ujeedo (Qasdi).
Macnaha Shareecadu uga jeedaa waa
Gudashada Camalada xajka adigoo
ilaahay ugu dhowanaya Macnaha
Cumradu waa Siyaaro
Xukunka Xajka: Xajku wuxu waajib
ku yahay qof kasta oo muslim ah, Xor
ah, awoodina karaya, qaan gaadh ah,
miyir qaba oo Awoodi kara maaliyad
ahaan. Ilaahay ayaa quraankiisa ku
yidhi: Ilaahay wuxu idinku leeyahay
xajka baytkiisa, Qofkii karaya. [AalaCimran: 97]. Xajku hal mar ayuu
qofka ku waajib yahay cumrigiisa oo
dhan, haddii uu sii kordhsado waa
siyaado khayr u ah oo ilaahy uu ugu
dhowaanayo.
Xukunka Cumrada: Culimada iyo
Saxaabaduba way isku khilaafeen
Cumrada . Waa waajib waxa qaba:
Cumar Bin Khadaab, Ibni Cabaas,
Jaabir & Ibnu Cumar , Daauus,
Mujaahid, Shaafici , iyo Axmed Bin
Xanbal. Waa sunne adag waxa qaba:
Ibn Mascuud, Maalik iyo Abu Xaniifa.

Dambi dhaaf: Nebigu (SCW)


Wuxu yidhi:. (Qofka xaja ee
aan Af-xumoon , fisqina ku
dhicin, wuxu soo laabtaa isagoo
sidii hooyadii ku dhashay ah) )
(Denbi ka madhan)
Xajka Qaybihiisa
Ifraad (Waa inuu xaj kelii ah
xidhto)
Qiraan (Waa inuu xaj iyo Cumro
hal mar wada xidhto)
Tamatuc (Marka hore Cimro
ayuu la imanayaa ,kadib ayuu
Xajka la imanayaa)
Qofka xajka iyo Cumrada wada guta
(Qiraan, Tamatuc) Waxa ku waajib
ah inuu neef gawraco, shukri naq uu
ilaahay ugu shukriyayo , inuu safar
keli ah xaj iyo cimro wada sameeyey.
Qofka Neef uu qalo waaya waxa laga
rabaa inuu Soomo Sadex casho oo uu
makka ku soomo, iyo Todoba casho oo
beledkisii ah.
Arkaanta Xajka iyo Cumrada
Arkaanta Xajku waa:
Ixraam (ka Xidhasho goobta loo
asteeyey).

Isku dhiirinta Xajka & Cumrada

Carafo oo uu istaago

Ilaahay iyo Rasuulkiisuba aad ayey

Dawaaful Ifaada

26

Sacyi Safa & Marwa dhexdooda


Arkaanta Cumrada
Ixraamka( ka Xidhasho goobta
loo asteeyey).
Dawaaf Kabcada
Sacyi Safa & Marwa
Camalka Cumrada
1- Markaad timaado goobta
laga xidhdo qubayso, xidho
dharka ixraamka, gabadhu
waxay doonto ayey xidhanay,
ku dhawaaq Cumro (labayka
allahuma Cumra), macnaheedu waa ilaahoow ku
ajiibey. Waxad ajiibtey yeedhmadii nebi Ibraahim dadka
ugu yeedhay inay Xajka iyo
Cumrada yimaadaan.
2- Markaad makka soo gaadho
kabcada dawaaf 7 (Todoba)
jeer, waxad ka bilaabay
dhagaxa madow, isagayna
ku dhamaanay halka dawaaf,
markaad dhamayso laba rakcadood ku tuko maqamka
ibraahim dhabarkiisa, ama
meel udhow haday kuu suura
gasho.
3- Markaad laba rakcadood ka
baxdo tag turuga Safa oo
bilow Sacyigii, waxad ka
bilaabay Safa waxad ku dhamaynay marwa ( markaad
safa ka tagto ee Marwa tagto
waa kow, markaad safa ku soo
noqotona waa laba).
4- Markaad Sacyiga dhamayso u
tag rayiislaha oo timaha gaabi

Issue May - Ju
17
20 2013ly
April - June13

E
ISSU
17

5- Cumradii waa kuu dhamaatay


ee xalaal baad tahay.
Camalka Xajka
1- Maalinta bishu Sideed tahay
Subaxeeda Xidho Xajka
halkaaga ka xidho. Dheh
labayka xajjan, Allahuma
Labayka
2- U baqool Mina oo ku tuko
Duhur,Casar, Maqrib, Cishe
iyo Subaxba, adigoo gaabinaya saladaha afarta ah.
3- Marka Libdhadu (Qoraxdu)
soo baxdo, u baqool dhinaca
buurta Carafa, oo ku tuko
Duhur & Casar wada Socda
(la soo hor mariyey) oo la
gaabiyey laba laba rakcadood, halkaa(Carafo) joog
ilaa maqribka adigoo ducada
badinaya, dikriga badinaya,
ilaahay isu dhuldhigaya, oo
qibladana u jeeda.
Hadii carafa istaageedu ku dhaafo
xajkii wuu ku dhaafay , wuxuna ku
eg yahay intaan qoraxdu soobixin,
maalinta tobnaad.
4. Marka Qoraxdu dhacdo u baqool
dhinaca Musdalifa oo ku tuko
Maqribka ,Cishaha, iyo Subaxa,
halkaa joog, marka Qoraxdu
ku dhowaato inay soo baxdo, u
baqool Mina markaad timaado
sidan yeel:
4.1. ku tuuro todoba quruurux
ah kaabada Caqaba, mid
mid u tuur , mid kastana
takbiiro. Jamratu caqaba
waa Kaabada makka ugu

xigta sadexda jamaro.


4.2. Gawrac hadiyaga (Neef),
Hadyigu waa ku waajib
Qofka Tamatuc ama
Qiraan sameeyey.
4.3. Timaha Xiir ama gaabi,
Xiirista ayaana fadli
badan, nebigi (SCW)
Sadex jeer ayuu u
duceeyey kuwa xiiray.
5. Makka ku soo laabo oo kabcada
dawaaf (Dawaafu Ifaada), ka dib
Sacyi Safa & Marwa todoba jeer.
6. Ku noqo Mina oo u hoyo labada
habeen ee kow iyo tobnaadka iyo
laba iyo tobnaadka.
7. Tuuro jamraadka Sadexda ah
labada maalmood ee 11, 12 aadka,
marka qoraxdu iilato, ka bilow Tan
kuugu soo horaysa ee makka ugu
fog, (Jamaratul Uulaa), dabdeed
tan dhexe, dabadeed tan ugu danbaysa ee (jamaraul caqaba). Mid
kasta waa todoba Quruurux ah
oo mimid loo tuuranayo. Labada
jamaro ee hore mid kasta qiblada u
jeeso uu ducayso.
8. Maalinta laba iyo tobnaad
markaad dhagxaanta tuurato, hadii
aad doonto waad iska degdegi
kartaa, mina ka carow inta aan
qoraxdu kuugu dhicin, hadii aad
doontona u hoyo waana sida
fadliga badan oo maalinta sadex
iyo tobnaad tuuro dhagxaantii sidii
aad samaysay maalintii laba iyo
tobnaad.

ka bixin makka kabcada dawaaf


todoba jeer (Dawaaful Wadaac),
gabadha xaydka lehi ma dawaafayso Kabcada.

Waxyaalaha Xajka buriya


Gaaloobid (diintuu caayo,
rasuulka, malaaigta ).
Galmo
Maxaa Xajka la diidey.
1- Inuu wax macsi ah sameeyo .
2- Inuu Muslimiinta dhibo.
3- In aanu timaha iyo Cidiyaha
iska gurin ama subkin.
4- In aanu Cadar marsan inta uu
Ixraamka ku jiro.
5- In aanu ugaadha & Xayawaanka xaramka dilin.
6- In aanu xaaskiisa taataaban
ama shukaansan.
7- In aanu Cidna u guurin isna
guursan.
8- In aanu dhar tolan oo jidhka
koobaya xidhan.(Ragga
keliya)
9- In aanu madaxiisa daboolin
(Ragga keliya)
10- In aanay niqaaban ama qafaziin xidhan.

9. Hadii aad doonayso inaad


diyaarada dib raacdo inta aanad

27

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

Eksimada Maxay tahay?

Diyariye:

topic eczema (oo badanaa loogu


yeedho eksimada carruurta ama eksima
keliya) waa maqaarka oo caabuqa ama
jiradda kaas oo keena qalayl, guduud iyo furuuruc
dusha ah badanaana cuncun leh.
Maqaarka midabka yeesha badanaa wuxuu noqdaa
beerbal ama kaffee, maqaarka inuu qolfa yeeshana

waxay noqotaa caadi. Wuxuu noqon karaa mid


dheecaan ka soo baxa oo qolfa leh. Wuxuuna ku dhici
karaa carruurta yaryar oo dadoodu tahay 2-4 bilood.
Eksimadu badanaa waa ka soo badaa ilmaha markuu
ilmuhu soo koraba.
In kastoo aan sababta la ogayn, waxaa badanaa la
ogyahay inay la xidhiidho xasaasiyada neefta iyo
sanboorka. Waxay u badan tahay in ilmuhu yeesho
eksimo haddii xubnaha kale ee qoysku ay qabaan
eksimada, neef ama xumad.
Xaggee ku dhacdaa?

Dr. Mustafe
wuxuu baabaa markuu ilmuhu koro,
laakiin furuurucu wuxuu ka sii muuqdaa dhagaha
gadaashooda iyo wareegga indhaha
Maxaa sababa?
Sida kor lagu soo sheegay wuxuu xidhiidh la leeyahay
xasaasiyada, laakiin xaalladaha badankood ma jiro
wax la oran karo eksimada
ayuu sababaa. Dhowr shey
ayaa keeni kara inuu ka sii
daro:
Iyadoo la taabto
wax la dhibsanayo
ama waxyaallaha
qalayl keena sida
saabuunta, kiimikada
wax lagu dhaqo iyo
shaambooga.
Hawada qabow marka maqaarku qalayl noqdo
Infakshan bakteeriyada keento oo isaga ka sii
eksimada
Welwel.
In kastoo, dad badani ka cabsi qabaan in waxyaalla
cuntada ku jiraa sii holciyaan, carruurta badankeed aad
ayey ugu adag tahay in la muujiyo in cunta gooni ahi
keento dhibaatada.
Sidee looga hortagaa laguna daaweeyaa?

Eksimadu waxay ku bilaabataa dhallaanka yaryar.


Waxayna badanaa ka muuqataa dhabanada ugu horrayn Waxyaallaha laga fogaanayo:
taas oo caabuq noqota oo qalasha. Waxaa laga yaabaa
1. Salaaxida iyo xoqida maadaama cuncunka iyo
in maqaarku guduudan yahay ama midab yeesho sida
furuurucuba ay kaga sii daraan.
beerbal, kaffee ama cadaan. Dabadeedna waxay ku
dhici kartaa wajiga iyo maqaarka sare. Markuu ilmuhu
2. Saabuunta, kiimikada wax lagu dhaqo iyo
sii waynaadaba waxay ka muuqataa jirka, gacmaha,
wixii barafuun leh maadaama ay qalajiyaan
kalabaxyada iyo ruugaga gadaashooda. Waxay kaloo
maqaarka.
ka muuqataa canqawga iyo suxulka. Wajigu badanaa

28

Issue May - Ju
17
20 2013ly
April - June13

E
ISSU
17
3. Dhaqida badan ee jirka marba
hadday biyuhu qalajinayaan maqaarka.
4. Muddo ku jirida biya kulul ayaa siyaadinaya
isla markaana qalajinaya maqaarka.
5. Hawada oo aad u kulul ama aad u qabow.
6. Qaadashada dhar ku xanxantaynaya sida
dharka dhogorta ka samaysanQaadashada, hu
washada ama dhigashada wax dhogor ka samaysan
sida bustaha, kaarbitka iyo maqaarka idaha.
Waxyaallaha la Samaynayo:
1. Ku qubayso saliid halkii aad kaga qubaysan
lahayd saabuun.

degtona, waa la joojiyaa. Kareemka


maqaarka jilciya ayaa la sii marinayaa, xataa marka
maqaarku wanaagsan yahay.
Haddii infakshan ku dhaco, daawada lagula dagaalamo
infakshanka ayaa laga yaabaa inay lagama maarmaan
noqoto. Waxaa laga yaabaa in lagu siiyo daawada
dejisa cuncunka, khaasatan haddii ay dhacayso
habeenimada ayna keenayso hurda laan.
Doorka cuntada ee daawaynta eksimadu ma cada
carruurta badankeedna natiijadu waa mid aan fiicnayn.
In kastoo aanay dhib keenayn in la raadiyo aragtida ku
saabsan cuntada, waa inuu ahaadaa qof aqoon fiican u
leh fahmida eksimada, iyo fahmida cuntada ilmuhu u
baahan yahay.

2. Is mari kareemka maqaarka jilciya, sida sorbolene ama kareemka aqueous cream si joogta
ah, khaasatan qubayska ka dib.
3. Qubaysiga ka dib qalajinta jirka adoo tartiib u
marinayaa shukumaanka.
4. Dharka iskaga bixi qol diirimaada xilliga
qaboobaha.
5. Xilliga kulaylaha sariirta ka dhig mid qabow.
6. Gasho dhar cudbi ah oo kaa waaweyn (ama
cudbi/synthetic isku jira).
7. Ka goo astaanta dharka ku dhegan sida magaca
ama awaamiirta
Haddii jiradani (atopic eczema) ay aad u xuntahay
dhakhtarku wuxuu kuu qorayaa kareemka cortisone
si aad u mariso maqaarka. Guud ahaan, kareemka
cortisone oo awoodiisu hoosayso ayaa la isticmaalaa
marka eksimadu ay kacsan tahay markay

29

Issue 17 July
y- 3
April - June 2013
Ma

E
ISSU
7
1

201

DJIBOUTI

Operator

Djibouti Telecom

Outgoint To
Telesom

$2.1

Incoming From
Telesom

$0.87

FRANCE

SFR

$3.25

$0.30

BELGIUM

Belgacom

$4.30

$0.99

SAUDI ARABIA

Mobily

$2.37

$0.90

UNITED STATES

AT & T

$ 3.1

$1.30

KENYA

Safari

$2.50

$1.02

QATAR

Qtel

$2.26

$2.50

ETHIOPIA

ETC

$1

$0.5

CANADA

ROGERS

$2.9

$1.24

CANADA

FIDO

$2.9

1.24

KUWAIT

VIVA

$4.0

$2.7

UAE

ETISALAT

$2.05

$0.30

Egypt

Vodafone Egypt

$2.90

$0.75

ECONET WIRELESS ECONET WIRELESS


BURUND
BURUND

$2.81

$0.30

Portugal

Vodafone

$3.5

$0.30

Italy

Vodafone

30

*Rates of other calls within visited country are charged


differently based on call type (call to other countries, call to satellite,)

You might also like