You are on page 1of 8

Dhacdooyin Mataano Ah, Somaliland 1981-1991-kii Iyo Liibiya 1912 1931-kii

Qore: Cismaan Saalax Faarax (Q1aad)



Googol Dhig
Nin caalim ah oo jaamacad wax ka dhiga ayaa baadhista ku tilmaamay war dhuugnimo
kuna dhamaato xog warran. Haddaynu faalo ka bixinno magaca buugani xambaarsan
yahay oo ah dhacdo mataano ah oo aan muddo baadhisteeda ku jiray, waxaan ku
bilaabayaa dhacdada Cumar Mukhtar. Waxaa filimkan aan soo dheegtay kana sameeyey
dhacdadan runta iyo taariikhda ku salaysan. (The Characters in This Film Are Real and the
Events Based On Historical Facts) taariikh iyo dhacdooyin runa isku soo wada duubo
waxaa filimka sameeyey shirkadda. (Falcon International Production) Film editor (John
Shirley) waxaaa mataaladda door weyn ka qaatay jilaaga caanka ah (Anthony Quin &
Oliver Reed) Produced And Directed By Musapha Akkad) Waxyaabaha igu kalifay inaan
dhacdadan wax ka qoro waxa ka mid ah bal inaan helo halgan gobanimeed iyo xasuuq ay
sameeyeen taliskii faashiga ahaa ee Siyaad Barre bal cid samaysay oo dabadeed aad
mataalad uga dhigtid.
Maadama aanad hayn (Documentary Films and Movies) rasmiya oo aad ka raacdid sidii
dadka Somaliland loo xasuuqay. ta labaad ee igu kaliftay inaan helo sidii layaabka lahayd
ee SNM ugu halgantay Gobannimadan ee ay tustay taliskii faashiga ahaa dagaal faraha
laga gubtay. Inaad hesho dhacdo taa la mida waxaan muddo raadiyaba waan ku
guulaystay inaan helo dhacdo mataano ah. Waxaynu ku eegaynaa bal sida ay ku
noqdeen dhacdo mataano ah taasoo aan u soo qaatay labada dhacdo waxyaabaha ay
iskaga mid noqdeen oo ay ka mid ahaayeen dhinnaca xasuuqyada iyo dadka oo la
cadaadiyo. Meelaha ilaha dhaqaalaha ah oo laga baabiyo, diyaarado lagu garaaco
magaalooyinka waaweyn, xeelado is daba jooga oo gumaystaha iyo keligii taliyuhu ka
siman yihiin. Waxaa ka mida dhacdooyinka ay ka mataanaysan yihiin guulaha ay gaadheen
iyo hirdanka muga leh iyo xeeladaha leh gunta salka dheer ee ay adeegsanayeen
jabhadaha doonayey inay la soo noqdaan gobanimadooda. waxaa iyana ka mid ahaa
calool adayga labada jabhadood. Oo ahaa mid taariikhda galay sida Cumar u diiday inuu
la heshiiyo General Grzaini, iyo jabhaddii SNM oo diidday inay isa soo dhiibto markii ay
heshiiska kala saxeexdeen dawladdii faashiga ahayd ee Siyaad Barre iyo Mingistu. Oo
ahaa markaa madaxweynihii Ethiopia.
Cumar Mukhtar wuxuu waday gulfkiisii. SNM waxay ka door bidday inay isa soo dhiibto
miidaamo ay ku soo galeen magaalooyinka Burco, iyo Hargeysa, taasoo ahayd mid ay
dadka taariikhda wax ka qoraa ku tilmaameen biimihii ugu adkaa ee abid ay sameeyaan
jabhad gobannimo doonaysa. Haddaynu eegno gulufkii Cumar Mukhtar iyo gulfkii SNM oo
ahaa laba xilli oo kal fog sida ay taariikhdu qorayso. Xilligii Cumar waday gulufka hubaysan
ee dalka Liibiya oo ku beegnayd 1912 -1931kii iyo SNM oo gulf ka waday dhulka
Somaliland oo gobannimadiisa helay 1960 kii hase yeeshee ay ku dhacday ceel gun
dheer oo dabadeed SNM u fuushay geed dheer iyo geed gaaban bal in mar kale ay ka soo
saaraan ceelkaas. Xilligaas oo ku beegnayd 1981-kii ilaa 1991-kii ayeynu ku eegaynaa
qormadeenan. Aan ku horrayno Cumar Mukhtar wuxuu dagaal la galay gumaysigii
talyaaniga waxa Cumar muujiyey wacdarro layaab leh sida dagaaladii buurta oo uu ka soo
reebay guuto dhan gaadhi iyo laba xidigle Sandariini, Wuxuu cagta mariyey ciidan gaadh
ka ahaa dad maxaabiisa, oo lagu hayey meel kaama oo jooga dhul gabaahiira wuxuu
gubay oo ka dhigay fiin firidhay xero ay yiileen saanad Milateri iyo kayd shidaal. Wuxuu
difaac adag ka galay oo khasaare naf iyo maalba lihi ku dhaceen ciidankii Cumar.
Qabsashadii laga qabsaday Cumar magaalada KUFRA wuxuu Cumar diiday heshiiskii uu
waday colonel Diyoo Dishti. Waxaa kale oo uu diiday heshiiskii uu waday saaxiibkii Shaarif
al-Qaryaani. Waxaa lagu dagaalamay diyaarado iyo sunta gaaska waxaa uu ka galay
buuraha dhufays adag Kufra waxa lagu garaacay diyaarado iyo maadiifcda ridada dheer.
Waxaa ciidankiisii soo gaadhay khasaare badan wuxuu isna u galay biriijka Kufra
bannaankiisa wuxuu cagta mariyey gaas dhan waxaa haleeshay General Graziani anfariir
iyo inuu dhexda farta ka qaniino. Wuxuu aakhirkii qaylo dhaan ula tegay Mussolini.
Waxaa la soo siiyey kharash badan iyo aalado ka samaysan qodax bira oo lagu xidhayo
xuduudda Masar,. iyo Liibiya, xuduudkaasoo laga xidhayey saanadda milateri ee uga
imanaysay ciidanka Cumar dalka Masar.

La Soco..
Dhacdooyin Mataano Ah, Somaliland 1981-1991-kii Iyo Liibiya 1912 1931-kii
Qore: Cismaan Saalax Faarax (Q2aad)

Googol Dhig
Waxaa ciidankiisii soo gaadhay khasaare badan wuxuu isna u galay biriijka Kufra
bannaankiisa wuxuu cagta mariyey gaas dhan waxaa haleeshay General Graziani anfariir
iyo inuu dhexda farta ka qaniino. Wuxuu aakhirkii qaylo dhaan ula tegay Mussolini.
Waxaa la soo siiyey kharash badan iyo aalado ka samaysan qodax bira oo lagu xidhayo
xuduudda Masar,. iyo Liibiya, xuduudkaasoo laga xidhayey saanadda milateri ee uga
imanaysay ciidanka Cumar dalka Masar.
Haddaynu intaa kaga gudubno bal aan milic sanno dhacdada kale waxaan ka cudur
daaranayaa anigoo aan ku dhamaystirin buugan gebi ahaanba gulufkii ay wadday jabhadda
SNM oo aan soo qaatay dhacdooyin aan xasuusinayo sida gobannimadan loogu soo
halgamay. Waxaa ka mid ahaa sida SNM looga biqi jiray ka dib gelitaankii buuraha, sida
looga baqo aarkii daboole oo ahaa aar reer guuraagii ku noolaa geyiga soomaliland land
aanay dhaban jirin habeen iyo maalinba. Waxaan ku soo qaaday dhacdooyinkii SNM ay
kaga guulaysteen taliskii faashiga ahaa magaalooyinka burco iyo hargeysa. Waxaan ku soo
qaaday waraysi caan ahaa oo ay bbc kaga hadashay gelitaanki iyo qabsashadii SNM
magaalada Burco warkaas oo ay anfariir ka qaadeen markii dhegahooda ay ku maqleen
SNM oo haysta magaalada Burco. taliskii faashiga ahaa marka laga bilaabo maalintaa
dhaban ma dhigi jirin waxayna ku noqotay mid ay dhegtu taagan tahay oo dhiilo badani la
soo deristay. Dhacdooyinka aan ku soo qaaday buugan la magac baxay dhacdo mataano
ah waxaa ka mida guul daradii la soo gudboonaatay taliskii faashiga ahaa markii ay
duulaan soo qaadeen ciidamadii danab la odhan jiray oo xarruntoodu ahayd cadaadley. Oo
dagaal ku soo qaaday magaalada burco xilli ay jabhadda SNM gacanta ku hayso .
Ciidankaas oo qosol iyo rayn rayn ku soo fuulay baabuurtii ay wateen hase yeeshee markii
ay soo gaadheen duleedka magaalada Burco la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
Waxaa ka mida waxyaabaha aan ku soo qaaday dhacdadan mataanaha ah xasuuqyadii
aan loo miidaan deyin oo uu sameeyey taliskii faashiga ahaa oo aan ku soo qaatay xasuuqii
jasiira , xasuuqii kal shiikh kuwaasoo noqday xabaalo wadareedyada kala ah xabaalaha,
gubatada ee kal sheikh, xabaalaha birmagaydada ee duleedka magaalada Burco.
xabaalaha maatada, oo ku yaal duleedka magaalada xaydh ducato, xasuuqii maLko
durduro , xasuuqii gabiley . Maxakamadihii geele , kiiskii mucjisada reebay ee caan baxay
oo dhex maray cali wadaad iyo taliskii faashiga ahaa magaalada burco kiiskaas caan
baxay oo lagu soo eedeeyey cali ahaana magaciisu tujiye iideed laguna xukumay cali dil
hase yeeshee qadderka eebe isagoo cali ku xidhan xabsiga dhexe SNM ka jebisay jeelkii
jimcihii mey ahayd 27 1988kii waxyaabaha kale ee aan ku soo qaaday waxaa ka mid ahaa
filimkii laga duubay magaalada hargeysa oo ay jabhaddu ka duubtay magaalada hargeysa
xilligii ay dagaalka ku soo gashay oo ay ugu mudnayd uguna xiiso badnayd SNM oo
gacanta ku haysa radio Hargeysa .iyo geed deeble oo ay ku qabteen shiinihii joogay oo leh
waddanka SNM baa haysata oo si wanaagsan noola macaamishay. ,Filim qaadihii
qaadayey filimka wuxuu qaaday muuqaal hargeysa oo markii ugu horaysay taariikhda
diyaaraddii fadhiday madaarkii magaaladii la rabay inay cadawga ka difaacdo iyadu dib u
duqaysay Mig 17 .Oo noqotay taalo ku taala caasimadda soomaaliland hargeysa si ay u
noqoto taariikh ma guuraana oo jiil ilaa jiil gaadha, noqotayna diyaaraddii xaga taariikhda
marka laga eegayo Enola Gay oo ahayd diyaarraddii bamka ku ridday Hiroshima iyo
Nagasaki . Haddaan intaa ku soo koobo labadan dhacdo waxaan uga jeedaa in dadku
ogaadaan sida loogu soo halgamay gobannimadan. Iyadoo ay mudan yihiin in lagu qoro
marka laga eegayo xaga taariikhaha abaalmarinta loo yaqaan Wisaam Sharaf oo ah baal
dahaba oo taariikhda ku qormaya wixii dhintay rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyo. Inta
nool alla ah u siyaadiyo. Waxaad reebteen taariikh noqonaysa mid gashay Baal Dahaba.
Iyo sida ay dadku ugu hureen naf iyo maalba markii ay iska kicinayeen heeryadii gumaysiga
keligii taliyihii faashiga ahaa ee xilligaas. Oo ku beegnaa 1981ilaa 1991 iyagoo doonayey
aayatiin iyo gabannimo lagu qaboobo oo astaanteedu tahay muuqaalkan quruxda iyo bilicda
badan.

La Soco..
Dhacdooyin Mataano Ah, Somaliland 1981-1991-kii Iyo Liibiya 1912 1931-kii
Qore: Cismaan Saalax Faarax (Q3aad)

Qabsashadii Libiya Ee Talyaaniga Qarnigii 20aad
Bilawgii Qarnigii 20aad waxa haleelay dunida dacaladeeda dagaalo keenay dhibaato badan
taas oo ay gumaystayaashu doonayeen inay helaan hanti iyo dhul ay qabsadaan
gunteeduna ahayd dhul boob iyo adoonsi.
Hadaba waxa aynu qormadan ku eegaynaa riyooyinkii ay gumaystayaashu ku doonayeen
inay noqoto mid meelmarta, waxaana arinta qayb ka noqday wadankii Talyaaniga waxaana
uu bilaabay 1911-kii is-balaadhin dhinaca dhulka ah taas oo uu soo jibaaxay badda cad
kuna soo beegay socdaalka dhuldoonka ah oo uu ka bilaabay magaalooyinka ku yaala
Libya ee Tripoli iyo Benghazi, waxay ujeedada Talyaanigu ahayd inay qabsadaan
magaalooyinka Banghazi, Sirta, Saaba, Dirna iyo Duburuq, balse waxa ka hor timid
ciidamda Talyaaniga dhaabaato hor leh iyo iska caabin xoog leh taas dadku ay
diidanaayeen gumaysiga dhulkooda yimid.
Hase yeeshee wuxuu arinku is badalay Jahawareerna dhacay Sannadkii 1922-kii Markii uu
la wareegay xukunka dalka Talyaaniga Ma-Jixin-jixe Benito Mussolini, isbedelkaa ka
dhacay waddankii Talyaaniguna wuxuu sii huriyey oo uu sii adkeeyey qabsashadii
waddankii Liibiya.
Waxaanay keentay in shacabka Liibiya ay sii wadaan la dagaalanka gumaysigii Talyaaniga
iyo xukunkii faashiga ahaa ee ma-jixin-jixe Benito Mussolini.
Haddaba markii uu xukunka la wareegay Mussolini talada dalka Talyaaniga wuxuu
khudbadiisii ugu horraysay meel fagaare ah oo il-yartu is qabatay kaga dhawaaqay
weedhahan.
Waa inaynu qabsanaa dhulka oo aynu gaadhnaa meel sare, oo xadaaradeenu gaadhaa
caalamka, oo aynu ku fidnaa carriga.
Waxa soo gaadhay Mussolini sida muuqaalkani ku tusayo dad la tooganayo oo la laayey
waxaana loo keenay sawiradii Mussolini isagoo ku dhawaaqaya waxaan doonayaa dad
badan oo la laayo. Wuxuuna sheegay, isagoo hadalkiisii sii wata Haddaynu jebinay dadkii
badawda ahaa waa maxay haddana dhawaaqyada isoo gaadhaya ee dhegahayga ku soo
dhacaya ee la leeyahay wax baa la laayey oo ciidamadii khasaare ayaa soo gaadhay. Waa
maxay arrintaasi waa laba war oo is khilaafsan, oo kala jaad ah. Midi wuxuu sheegayaa
guulo, midna khasaare iyo guul darro wax la aqbali karo maaha. Haddii aad tihiin madaxdii
ciidamada ma aqbali karo inay dhegahaygu maqlaan waxaan guul ahayn iyo in la laayey
dadkii badawda ahaa.
Mussolini intuu ushii ka qaatay mid ka mid ah xoghayntii ayuu la dul tegay map amase
khariidad amase tusmooyin ku yaalay xafiiskiisa. Wuxuu leeyahay bal eega dhulkaa
quruxda badan ee dooga ah waar bal eega quruxda ishu qabanayso ee bilicda leh idinkaa
abaal marin u qaadanaya oo leh oo ku raaxaysanaya, iyagu badawdu waxba ma leh.
Waxaynu sugaynaa inta la cidhib tirayo oo qaadanaysa wakhti yar. Wuxuu la hadlayaa
General Graziani sida muuqaalkani ku tusayo markii uu dhameeyey wadahadalkii u socday
isaga iyo madaxdii ciidamada ayuu gooni ugu yeedhay Graziani. Waxay ka soo baxeen
hoolkii shirku ka socday way isa soo raaceen Mussolini iyo Graziani waxay soo mareen
waddo dhex marta xarruntii madaxtooyada ee uu deganaa oo askari salaan la taagan
tahay. Waxa dhex maray Mussolini iyo General Graziani, Mussolini ayaa hadalkii bilaabaya
isagoo leh Waxaynu dagaalkan ku jirnay muddo labaatan sannadood ah oo aynu dadkan
badawda ah la dagaalamaynay waxaa ciidamadeena soo gaadhay dhibaato badan.
Intii arrinkaasu socday waxaan magacaabay shantii sanadood ee u dambeeyey shan
xukuumadood oo isaga kala dambeeyey Liibiya. Isagoo hadalkii sii wada ayuu mar qudha
is taagay Mussolini isagoo cadhaysan waxaanu yidhi Ma ogolaanayo ciidanka faashiga ahi
dhexdhexaad.
La Soco.
Dhacdooyin Mataano Ah, Somaliland 1981-1991-kii Iyo Liibiya 1912 1931-kii
Qore: Cismaan Saalax Faarax (Q4aad)

Qabsashadii Libiya Ee Talyaaniga Qarnigii 20aad
Intii arrinkaasu socday waxaan magacaabay shantii sanadood ee u dambeeyey shan
xukuumadood oo isaga kala dambeeyey Liibiya. Isagoo hadalkii sii wada ayuu mar qudha
is taagay Mussolini isagoo cadhaysan waxaanu yidhi Ma ogolaanayo ciidanka faashiga ahi
dhexdhexaad.
Socodkii halkii baa laga sii waday. Waxaan u baahanahay in uu ka dhasho Liibiya isbedel
cusub, waar horta General waxaan ku weydiiyey waxan aan la dagaalamaynaa ma ciidamo
xoogan oo wax cidhib tirayaa, miyaanay ahayn dadkan yaree badawda ee jooga meelahaa.
Waxaan kaa doonayaa haddaad tahay General Graziani inaad ii keento hogaamiyahooda
ugu sarreeya.
Kacdoonka Liibiya ka socdana aad degdeg u joojisid. Oo waxaan ku weydiiyey General
Graziani. Maxaa la yidhaahdaa ninka badawda wata. Wuxuu Graziani ugu jawaabay waxaa
la yidhaahdaa Cumar Mukhtar dabeedna way is taageen oo uu Mussolini jees jeesay, oo
marba dhinnac eegay ayuu yidhi Cumar Mukhtar, Cumar Mukhtar. Waxay aakhirkii soo
wada galeen xafiiskii Mussolini. Wuxuu wakhtigaa ahaa Mussolini mid aad u cadhaysan.
Dabeedna markii uu cabaar kelyaha is qabtay oo marba dhinnac u jeestay, isagoo weli
genaraalkii taagan yahay ayuu intuu kursigiisii ku fadhiistay. Haddana Mussolini hadalkii
bilaabay, wuxuu yidhi Ma ogatahay Graziani in ciidamadii aan u dirayey liibiya, ay i kelifeen
khasaare maaliyadeed oo aan laga soo waaqsan I galiyeen. Waxay ku degayeen hoteelo
qaaliya waxaan u malaynayaa wax baa khaldan oo is weydaarsan, ma aqbalayo in
badawdu ay dagaal sii wadaan oo ay is yidhaahdaan joojiya afartan milyan oo Talyaani ah.
Waxaan kuu doortay haddaad tahay General Graziani inaad tagto Liibiya waayo markaad
Liibiya tagto waxay ugu yaraan ka baqayaan magacaaga. Intaa ka dib waxa jawaabay
General Graziani isagoo leh mudane, madaxweyne waan aqbalay dalabkii aad ii soo
jeedisay. Waana gudanayaa waajibkayga, sida ugu haboon waanan bakhtiin doonaa
colaadda geyigaa ka aloosan sida ugu dhakhsaha badan uguna nadiifsan.
Mussolini isagoo jees jeesaya ayuu weydiiyey Grazaini waar horta ninkan badawda
hogaaminaya muxuu ahaa kacdoonka ka hor. Wuxuu Graziani ku jawaabay wuxuu ahaa
macallin. Mussolini ayaa hadallkii qaatay isagoo jees jeesaya, anba waxaan ahaa macallin
wuxuu uga digay Graziani inaanu ku fashilmin sidii shantii hore ee xukuumadood ee uu
diray Liibiya ay ugu fashilmeen. Wuxuu intaa ku daray waxaan jeclahay haddaan ahay
Mussolini xarakada.
Qabo Liibiya yaa General Graziani marka iminka laga bilaabo intaa ka dib generaalkii wuu
salaamay wuuna ka jeestay si uu baxo. Hase yeeshee Mussolini intuu qayliyey ayuu soo
jeediyey Graziani kuna dhawaaqay Weedhahan. Yaa Graziani ii keen Cumar Mukhtar
isagoo nool ama isagoo dhintay. Halkaa ayaa lagu kala tegay waxaynu qormadan ku
eegaynaa bal wixii ay kala muteen, general Graziani iyo Cumar Mukhtar. Markii ay halkaa
ku dhamaysteen wadahadalkii iyo dardaarankii adkaa ee dhex maray, general Graziani iyo
Mussolini, Graziani wuxuu soo qabtay Liibiya. Haddaba wakhtigaa uu yimi Graziani Liibiya
Cumar wuxuu dhigayey malcaamad quraan, isagoo si wanaagsan u fahamsiin jiray ardayda
Quraanka.

Dhacdooyin Mataano Ah, Somaliland 1981-1991-kii Iyo Liibiya 1912 1931-kii
Qore: Cismaan Saalax Faarax (Q5aad)

Qabsashadii Libiya Ee Talyaaniga Qarnigii 20aad

Haddaba muuqaalkani waa Cumar oo dhex fadhiya malcaamaddii uu quraanka ka dhigi
jiray. Sharxaya suuradda Arraxmaan isagoo suaalo weydiinaya ardayda marba mid oo uu
leeyahay waxaa Illaahay u sameeyey wax walba miisaan.
Haddaba isagoo ardaydii la hadlaya ayaa waxa si kedisa tuuladii u soo maray aroos,
arooskaa ayaa ardaydii ku yaacday waxa ka hadhay oo qudha kabiirkii malcaamadda iyo
Cumar.
Markaas baa Cumar la hadlay oo ku yidhi waar maxaad adiguna u tegi weyday. Dabeedna
inankii ardayda ugu weynaa isna wuu tegay, halkaas ayaa arooskii laga qayb galay oo
ciyaartu is jiidhay.
Cumar isaguna mar dambe ayuu yimi meel u dhow goobta xafladda aroosku ka socotay.
Waxaa dabeed dhacday arooskii oo socda ayaa waxa si kedisa usoo gaadhay goobtii
xafladda aroosku ka socotay nin Faras wata oo ahaa ragii ciidamada jabhadda ka mid ahaa
kaas oo intuu Faraskii ka degay weydiiyey dadkii goobta arooska ku sugnaa Cumar. Waxay
ugu jawaabeen waaka Cumar halkaa jooga. Dabeedna wuxuu u yimi Cumar oo aan goobta
waxba ka fogayn dabeedna faq bay wada galeen ninkii u yimi Cumar oo ahaa magaciisu
Boomataani.
Dabeedna Cumar ayaa salaamay si heer sare ah wuxuuna Cumar ku yidhi, war bal warran
Boomataani, maxaad war haysaa, dabeedna iyagoo saddex qof oo keliya ayaa Boomataani
uu bilaabay hadalkii wuxuu ku yidhi Cumar waxa ina soo gaadhay war ah inuu imanayo nin
lagu magaacabay General Gaziani oo sida igu maqaalo ah la yidhi waa ma naxe gurintir
ah. Cumar baa u jawaab celiyey oo yidhi Waan gartay macna ma leh, waxay inoo soo
diraan sidii caadada u ahayd gumaystaha mid ay ku sheegaan libaaxyo hadhowna noqda
riyo dhaawacmay. Markaa ha u biqin aabahay waxaan ka hayaa darbadaha kaaga dhaca
dhabarka ee aan dhabarka ku jebin waxaa laga sii qaadaa awood badni.
Markaa waxaan Boomataani ku weydiiyey maxaa lagu yidhi oo kale. Waxa laygu yidhi
Cumarow ninkani waa mid jecel dhiiga. Waan gartay haddaba Boomataaniyow hadduu
Graziani dhiig jecel yahay sheekooyinkaa ma dhegaysto.
Dabeedna sida muuqaalkani ku tusayo Cumar wuxuu galay gurigiisii wuxuuna kala soo
baxay qorriga loo yaqaan Jidh-Jidh-geedh amase Reyfal ee waagaa la isticimaali jiray.
Wuxuuna yidhi Waan rumaysanayaa sheekada Graziani ee ah inuu dhiig jecel yahay.
Laakiin ha arko awoodda aanu leenahay oo waxaan Boomataani ku weydiiyey goormuu
imanayaa ninkaa la sheegay?. Dabeed Boomataani baa Cumar ku yidhi Dhawaan baa
laga yaabaa in lagu soo dhaweeyo magaalada Benghazi.
Hase yeeshee wuxuu Cumar hadalkiisii ku soo gabagebeeyey ha arko Graziani awoodda
aanu leenahay.
Intaa ka dibna waa la kala dhaqaaqay. Haddaba bal aan milicsanno, sidii Graziani loo soo
dhaweeyey markii uu Liibiya soo gaadhay. General Graziani waxa lagu soo dhaweeyey
goob ilyartu is qabatay oo xaflada.Waxaana loo sheegay dadkii xafladda ka soo qayb galay
in loo soo magacaabay Graziani waddanka Liibiya uuna ka talin doono.
Waxa lays baray masuuliyiintii ciidamada ee halkaa ku sugnayd Graziani isna waa ku farxay
sidii loo soo dhaweeyey. Ragii madaxda ahaa ee halkaa laysku baray sida muuqaalkani ku
tusayo, waxaa ka mid ahaa Colonel, Tomeli, Colonel Sarsaani, Colonel Diyoo Dishti. Waxaa
hadalo is weydaarsaday Colonel Diyoo Dishti iyo Graziani.
Wuxuu Graziani ku yidhi Diyoo Dishti, waar waan ogahay inaad isku dayday inaad la
heshiiso Cumar Mukhtar. Anigu waxaa kama helo waxaan doonayaa in la cidhib tiro ma
garatay.
Waayo waxaynu ka nabad gelaynaa dhibaatadooda sidaa ayuu ku soo gabagebeeyey
General Graziani.
La Soco.
Dhacdooyin Mataano Ah, Somaliland 1981-1991-kii Iyo Liibiya 1912 1931-kii
Qore: Cismaan Saalax Faarax (Q6aad)

Qabsashadii Libiya Ee Talyaaniga Qarnigii 20aad
Wuxuu Graziani ku yidhi Diyoo Dishti, waar waan ogahay inaad isku dayday inaad la
heshiiso Cumar Mukhtar. Anigu waxaa kama helo waxaan doonayaa in la cidhib tiro ma
garatay.
Waayo waxaynu ka nabad gelaynaa dhibaatadooda sidaa ayuu ku soo gabagebeeyey
General Graziani.
Haddaba iyadoo weli ay socoto xafladdii soo dhaweynta ayaa waxa Graziani la tusay oo loo
tilmaamay nin ku sugnaa xafladda oo la odhan jiray Shaarif al-Qaryaani.
Waxa hoos loogu sheegay in ninkan iyo Cumar Mukhtar ay saaxiib ay ahaayeen berrigii ay
yaraayeen waxna ka qaban karo inuu ina dhex dhexaadiyo innaga iyo Cumar Mukhtar.
Dabeedna Graziani wuxuu yidhi bal u yeedha ninkan aad sheegaysaan. Isla goobtii ayaa
loogu yeedhay. Way isu warameen Graziani wuxuu weydiiyey ninkan ma noo soo gacan
gelinaysaa dabeed Shaarifkii wuxuu yidhi waar aan wax kuu sheego ninkani waa nin adag
sahal looguma tegi karo. Markaa waan isku dayi inaan arrinta wax ka galo wuxuu Graziani
ku jawaabay dee iska orod haddaa annagaa arrimahayaga maamulane.
Waxaa haddaba dhacday iyadoo goobtii la joogo ayaa waxa si kedisa u soo galay xafladdii
soo dhaweynta General Graziani nin ciidamada ka tirsan oo ah laba xidigle Jenery isagoo
sida farriin degdeg ah oo ku socota General Graziani.
Sarkaalkani wuxuu u dhiibay warqaddii Graziani wuxuu ku yidhi Graziani waar maad
warqadda horta iga deysid niman masuuliin ah oo ciidamada oo marti ii ah baan la joogaa.
Wuxuu sarkaalkii ku yidhi waa warqad degdeg ah dabeedna wuxuu ku yidhi Graziani
madaxdii ciidamada ee uu la joogay. Waar bal raali iga ahaada oo wax yar isuga intaan
warqadda eegayo, dabeed warqaddii ayuu furay mise waxaa ku qoran ciidamadii talyaaniga
waxaa Cumar Mukhtar ka dilay 20 dhimasho ah iyo 50 dhaawaca.
Dabeedna intuu cadho jiq yidhi Graziani oo isbedel ku dhacay ayaa wuxuu ku jeestay
saraakiishii ciidamada wuxuuna ku yidhi waar maxaa beenta iigu sheegaysaan ee u
lahaydeen dhibi ma jirto. Haa waa meel la hantiyey oo badawdu hantiday oo ay maalinba
ciidamada talyaaniga laynayaan ma dhici karto waar ina keena haddaa tihiin madaxdii
ciidamada waar waa inaa talaabo adag qaadaan dabeedna wuxuu la tegay meel xafiisa.
Wuxuu kala daalay madaxdii ciidamada cannaan iyo caga juglayn. Isagoo leh ma aqbali
karo sidan wax u dhaceen, waxaan idiin sheegayaa waa in la cidhib tiraa jabhaddan oo
dhegta dhiiga loo daraa. Colonel Tomali waxaan kuu sheegayaa waa inaad qaadataa
quwad millateri oo xoog badan oo aad waxyeelo badan gaadhsiisaa ciidanka Cumar
Mukhtar. Wuxuu ku daray badawdu intay saddex bilood dagaalamaan, ayey tuulooyinka ku
joogaan saddex bilood kale nabad. Sarkaal Tomali ma jirto nabad lagu fadhiyayaa, arlada
waar ma garatay magaalo ama tuulo nabad lagu fadhiyayaa yey dhicin.
Haddaba baal aan eegno sidii tomali oo ahaa sarkaalkii sida ba,an loo soo cannaantay,
lana soo siiyey amarka aad u adag iyo dardaaranka aanay haba yaraatee ku jirin wax
naxariisi. Gumaadkii uu sameeyey Colonel Tomali aan milicsanno, adigoo akhristaha
qaderrinta iga mudanow ogaanaya ,sida gumaysiga iyo keligii taliyihii, Siyaad Barre sida ay
ciidamadiisu yeeli jireen ka arkaaya muuqaaladan oo kale. Darreena aad ka qaadanaysid
qaabka iyo meelaha ay iskaga mid ahaayeen gumaysiga iyo maamulkii keligii taliyihii
Siyaad Barre.
Markii uu dhameeyey warbixintii iyo amarradii kululaa iyo dardaarankii Graziani uu siinayey
hogaamiyaasha ciidamada ayaa , waxaa soo duulay ciidankii oo uu hagaaminayey colonel
Tomali .Waxay ku soo duuleen dhulkii uu deganaa Cumar Mukhtar iyo shacabkiisu
haddaba muuqaalkani wuxuu ku tusayaa.

You might also like