You are on page 1of 3

Hees: Hayal

20-kii April 2014



Hadalka iyo ujeedada
Himiladii fogaydiyo
Hammadii dhexdeenee
Ku taxnayd halbawlaha
Halgaadiisii may tagin
Hedduna may quusane
Rajjaa ii hilaacdoo
Hogolbay naftaydu
Sheed ka halacsatee
Alloow yaa habeeno
Hooska aduunyada
Heblaay kula wadaagoo
Haye aad tidhaahdaa
Hogaankana u dhiibtaa

Huf iyo beeniyo
Haasaawaha ciyaarta ah
Waan ka hanwaynoo
Lugooyada habluhuna
Waa hagardaamadaydee
Hagaagu siduu yahay
Adigoon hareer marin
Hubsiimada ha dhaafin
**********
Hashii shalay aan seegnay
Hibadii EEBEHEEN
Jacaylkii hodanka ahaa
Hayalkiisu maantuu
Talo haboon iyo
Hal-adayg u joogaaye
Waxba yaanay kuu hirrin
Hilinka yaanay oodine
Qalbiyadaa haraadan
Haku daabin hoottoo
Halistana ha qaadin
Shaxda keeda hoodada
Hayaanka ka guuroo
Hooyo maad odhan?

Huf iyo beeniyo
Haasaawaha ciyaarta ah
Waan ka hanwaynoo
Lugooyada habluhuna
Waa hagardaamadaydee
Hagaagu siduu yahay
Adigoon hareer marin
Hubsiimada ha dhaafin
**********

You might also like